Naafaynta xubinka taranka ee haweenka waxa sidoo kale loo yaqaanaa gudniin.

Gudniinka waxaa sidoo kale loo sameeyaa raga. Raga, marka la gudayo waxaa laga jaraa buuryada guska.

Naafaynta xubinka taranka ee haweenku waxa uu ku taxaluuqaa badal ama meesha ka saarid qaybta sare ee xubinta taranka haweenka. Waa taas in kalmada "goynnaafayn" loogu isticmaalo; waxay sheegeysa waxa dhabta ah ee meesha ka dhacay. Mararka qaar dabnaha ayaa la isku tolaa. Mararka qaar afka gudaha ferjiga ayaa la tolaa oo la xidhaa. Waa taas in kalmada "goyn" loogu isticmaalo; waxay sheegeysa waxa meesha ka dhacay.

Naafaynta xubinka taranka ee haweenka waxa weli looga dhaqmaa wadamo badan oo ka tirsan Afrika iyo kuwo ka tirsan Aasiya Naafaynta xubinka taranka haweenka Gudniinka fircooniga ah waxa uu xad gudub ku yahay xuquuqda bilaa aadanka. Naafaynta xubinka taranka ee haweenka waxa uu xad gudub ku yahay xuquuqda bilaa aadanka. Yurub sharcigeeda waa ka mamnuuc. Dadka gudniin ku sameeya habdhala ama haweenkasameeya naafaynta xubinka taranka haweenka waxaa la mariyaa ciqaab xadhig ah.

Hay'ada Caafimaadka Adduunka waxay kala saartay noocyada kala gedisan ee naafaynta xubinka taranka ee haweenka :

  • jaris qayb ama gebi ahaanba kintirka (Nooca 1)
  • jaris qayb ama gebi ahaanba kintirka iyo dabnaha (Nooca 2)
  • in dabnaha la isku tolo, taas oo dalool aad u yar looga tago si ay uga kaadido iyo inuu dhigu kasoo baxo (nooca 3)
  • dhamaan waxka qabadyada waxyeelada leh ee xubnaha taranka ee haweeneyda ee muuqda, tusaale ahaan, daloolin, jaris, xoqid iyo gubis.
Naafaynta xubinka taranka ee haweenka - Nooca 1: kintirka ayaa la jaraa.
Naafaynta xubinka taranka ee haweenka - Nooca 2: dabnaha ayaa la jaraa.
Naafaynta xubinka taranka ee haweenka - Nooca 3: dabnaha ayaa la tolaa.

Naafaynta xubinka taranka ee haweenka waxa u khatar geliyaa caafimaadka hablaha iyo haweenka.

Saamaynta rasmiga ah ee naafaynta xubinka taranka ee haweenka waxa uu noqon karaa:

  • xanuun daran
  • xumad
  • dhiig bax daran oo horseedi kara dhimasho
  • waxyeelo unugyada kale
  • qabi badan, jahwareerka
  • olol xubinta taranka ama jidhka oo dhan
  • teetano
  • inuu qofku qaado HIV ama xanuunada kale ee galmada ku faafa (STI)
  • qofku inuu damqado marka uu kaajayo

Saamaynta hablaha marka ay qaan gaadhaan iyo noloshooda inta danbe waxay noqon kartaa:

  • damqasho wakhtiga caadada iyo marka ay kaajayaan
  • nabur
  • xanuun iyo mushkilado wakhtiga dhalmada oo hooyada iyo ilmuhu qabaan
  • isku furan (fistula)
  • taran
  • xanuun galmada ah iyo rabitaanka galmada oo hoos u dhaca
  • isku buuq iyo xanuuno kale oo maskaxda ah 

Haddii lagugu sameeyay naafaynta xubinka taranka ee haweenka ama haddii aad ka baqanayso in aad caabuq ka qaadi karto, waxaad ka heli kartaa talo iyo latalin halkan:

Waxaad ka heli kartaa macluumaad dheeraad oo ku saabsan kaalmada caafimaadka qofka lagu sameeyey naafaynta xubinka taranka ee haweenka halkan.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo