Unugyada beedka haweeneydu waxay ku jiraan ugxaanta. Bil kasta, unuga beedka ee qaan dhaadha ayaa kasoo baxa ugxaanta. Waxaana loo yaqaanaa kasoo bixida ugxaanta.

Mid kamid ah tuunbooyinka ugxaan-sidayaasha ayaa beedka gayn doonta makaanka. Bil kasta makaanka haweeneydu waxa uu u diyaar garoobaa uur: xuub axabka ee ku jira makaanka aaya adkaada. Xuub axabku waxa uu u shaqeeyaa sidii sariirtii uu ku fadhiisanayay beedku oo kale (gelida).

Haddii beedka aanu dilaacin, haweeneydu uur ma qaadayso. Xuub axabka iyo dhiiga ayaa kasoo dareeri doona makaanka oo kasoo bixi doona gudaha ferjiga oo jidhka kasoo dhamaan doona. Taas waxaa loo yaqaanaa wakhtiga caadada (caadada).

Mudada caadadu waxay noqotaa celcelis ahaan sadex ilaa todoban maalmood. Mudada way ku kala duwan yihiin haweenku. Wixii intaa ka danbeeya, xuub axal cusub ayaa bilaabi doona inuu marka hore abuurmo waxaana bilaabmaya wareeg cusub.

Waxaa la iskaga hagaajin karaa dhiiga caadada qaabab kala gedisan. Waxaa kamid ah kuwaas tuwaal nadiifin ah, buushka xubinta taranka haweeneyda la geliyo ama koobka caadada.

Haweeneyda taagan. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee gudaha.
1. Beedku waxa ay ku kaydsan yihiin ugxaanta.
2. Dilaaca: unugyada beedka ee gaadhay wakhtigoodii ayay ka baxaan ugxaanta.
3. Tuunbooyinka ugxaan-sidayaashu ayaa beedka gaysa makaanka. Xuubka xabka ayaa cufma makaanka dhaxdiisa.
4. Caadada: xuubka xabka iyo dhiiga ayaa kasoo baxa gudaha ferjiga.

Caadada ugu horeysa

Marka ay haweeneydu qaan dhaaqo waxa gaadha wakhtigoodii beedka, celcelis ahaan markay noqoto 11 ilaa 15 sano jir. Marka ay haweeneydu qaan gaadho, waxa ay dheli kartaa caruur. Qaan gaadhka beedka inantu waxa ay ka bilaabmaan marka kowaad ee beedku kasoo baxo ugxaanta. Waxay uur qaadi kartaa kahor inta ayna yeelan caado. Xataa haddii ay tahay markii kowaad ee ay galmo samayso, waxay qaadi kartaa uur.

Joogsiga caadada (Menopause): Dhamaadka caadada

Laga bilaabo da'da 45 ilaa 55 sano jir, haweenku waxa ay joojiyaan inay yeeshaan caadada. Mudada rasmiga ah way ku kala duwan yihiin haweenku. Wakhtiga caadada ee ugu danbaysa waxa loo yaqaanaa caado joogsi (menopause). Intaa wixii ka danbeeya, haweeneydu uur ma qaado karto.

Waxoogaa bilo kahor joogsiga caadada, caadadu way goo go'daa. Mudadaas waxaa loo yaqaanaa wakhtiga xasaasiga ah. Wakhtiga xasaasiga ah waxa uu qaadan karaa dhawr bilood ilaa dhawr sano. Xataa iyada oo ku jirta haweeneydu wakhtiga xasaasiga ah, waxay weli qaadi kartaa uur haddii ayna isticmaalin waxyaabaha dhalmada baajiya. Waxaad kala tashan kartaa dhakhtarkaaga taas.

Inta lagu jiro wakhtiga xasaasiga ah, hormoonada dhedigu way is badalaan. Haweenka qaar ayaa dareema raaxo daro inta ay ku jiraan wakhtigan, sida jidhka oo kululaada, jawigooda oo is badal, hurdo la'aan, inay qofka ku adkaato inuu wax u fiirsado, madax xanuun, iyo daal. Xuub axalka gudaha ferjiga wuu qalalaa oo wuu nuqlaadaa.

Qaabka baajinta uurka

Qaar kamid ah qaababka baajinta uurku waxay kahor tagtaa in xuub axalku ku samaysmo makaanka, ama inuu kahor tago in beedku qaadho wakhtigiisii (soo bixisa beedka). Waxaa kuwaas kamid ah kiniino uur baajiyaha ah iyo IUD-ga hormoonka wata. Markan oo kale, haweeneydu dhiig ma yeelato ama dhiig yar ayay yeelataa.

Galmada

Haweenka qaar ayaa doona in ay sameeyaan galmada marka ay caadada leeyihiin; qaar kalena ma doonaan. Haddii aad doonayso, waad samayn kartaa galmo marka aad caadada leedahay. Ma jirto khatar caafimaad ah oo ku duugan inaad galmo samayso marka aad caadada leedahay, oo ku imanaysa adiga ama lamaankaaga.

Waxaad uur qaadi kartaa inta aad caadada leedahay. Haddii aanad doonaynin inaad uur qaado, waxaad isticmaali kartaa qaab uur baajiye ah.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo