Raaxa galmadu waxaa badanaa lagu sheegeeyaa inay wanaagsan tahay iyo dareen raaxo ah kaas oo lala xidhiidhiyo samaynta galmada. Dareemadani badanaa waxay ka yimaadaan marka galmo la sameeyo, laakiin waxay sidoo kale ay biyuhu kaaga iman karaan farxad.

Waxaad u raaxayn kartaa naftaada iyo lamaanahaaga marka aad

  • aad salaaxdaan midkiinka midka kale,
  • inaad dhunkato lamaanahaaga iyo inaad u ogolaato inuu ku dhunkado,
  • inaad salaaxdo lamaanahaaga oo aad carabka ku jaqdo iyo inaad ogolaato in adiga uu kugu jaqo carabka ...

Raaxada galmadu waxay ka timaadaa salaaxid qaybo badan oo jidhka ah. Meelaha qaar ayaa si gaar ah usii xasaasi badan. Meelahaas waxaa loo yaqaan meelaha laga raaxaysto. Kuwani waa, tusaale ahaan:

Raga xaga hore ee xubintooda taranka ayay kaga taalaa meesha ay ka raaxaystaani
Raga xaga danbe ee xubintooda taranka ayay kaga taalaa meesha ay ka raaxaystaani
Haweeney xaga hore ee xubintooda taranka ayay kaga taalaa meesha ay ka raaxaystaani
Haweeney xaga danbe ee xubintooda taranka ayay kaga taalaa meesha ay ka raaxaystaani

Mar kasta iyo qof kasta way kala duwan yihiin

Galmada ay samaynayaan lamaanuhu mar kasta way kala duwan tahay. Kala hadla lamaanahaga waxa aad labadiinuba ka heshaan iyo qaabka aad uga heshaan (adkaansho ama taagnaan, aayar ama degedeg, iyada oo ay la socoto faro, danbo ama carab...).

Waxaad samayn kartaa galmo, laakiin tani daruuri uma aha raaxada galmada. Waxaad ka heli kartaa inaad qofka kale isku dhawaataan: is xashid, salaax, sheekeysi, oo waxaad ka heleysaan isku dhawaanshiina...

Haddii aad kacsato, waad biyo dhici kartaa laakiin waxaa sidoo kael macquul ah inaanad biyo dhicin. Haddii ayna jirin wax mushkilad ahi oo adiga iyo lamaanahaagu aynaad ku faraxsanayn.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa

Waxaad sidoo kale dareemi kartaa raaxada galmada marka aad isticmaasho koondhom. U isticmaal koondhom si aad naftaada iskaga ilaaliso xanuunada galmada lagu qaado.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo