Ciyaarta hordhaca galmada u ah

In galmada lagu bilaabo xashid, duugniin, dhunkasho iyo qajida midba midka kale, iyo in qofba qofka kale maaxiyo (ciyaarta hordhayca ah). Labada qofka marka uu dareenkoodu kaco, waxay u baahan karaan inay sameeyaan galmo

Ciyaarta hodhaca ah tusaale ah 1: haweeney ninka salaaxaysa
Ciyaarta hodhaca ah tusaale ah 2: nin haweeney xashaya
Ciyaarta hodhaca ah tusaale ah 3: nin iyo haweeney isk dhunkanaya
Ciyaarta hodhaca ah tusaale ah 4: nin haweeneyda naasaheeda jaqaya

Galmada gudaha ferjiga

Galmada gudaha ferjiga (Galmada laga sameeyo gudaha ferjiga) waa galmo ay guska oo adagi galo gudaha ferjiga. 

Waxaad galmada gudaha ferjiga u samayn kartaa qaabab kala gedisan:

  • Qaabka kala duwan: Waxaad galmo u samayn kartaa adiga jiifa, fadhiya, taagan ama foorara. Tusaale ahaan, ninku waxa uu ka sarayn karaa haweeneyda, haweeneydu waxay ka sarayn kartaa ninka ama ninku waxa uu ka danbayn karaa haweeneyda.
  • Waxaa kala duwan xawaaraha, qaabka iyo inta uu le'eg yahay dhaqdhaqaaqu.

Waxaad sidoo kale samayn kartaa galmada gudaha ferjiga adiga oo isticmaalaya shayyo, sida dildo ama vibrator (alaabaadka galmada). 

Galmada afka

Galmada afku waxay ka dhigan tahay inaad ku kiciso dareenka lamaanahaaga meelo kala gedisan oo jidhkiisa ah adiga oo adeegsanaya afka, dabnaha, iyo carabka.

  • Galmada afka ee haweeneyda lala sameeyo: jaqida lamaanaha, jaqida iyo qaniinyada yar ee ibta ama xubnaha taranka ee haweenayda. Kintirka, gaar ahaan, ayaa ah mid aad u xasaasi ugu ah. 
  • Galmada afka ee ninka lala sameeyo: lamaanihiisa ayaa isticmaala afka, dabnaha iyo carabka si uu ugu kiciyo dareenka guska iyo xiniinyaha

Waxaad sidoo kale ku kicin kartaa dareenka lamaanahaaga adiga oo carabka ku xoqaya ibtiisa iyo dabadiisa. 

Nin haweeney xubinteeda taranka u qajaya
Naag nin xubintiisa taranka u qajaysa

Waxaa aad u yar khatarta aad lamaanahaaga ku qaadsiin karto xanuunada galmada ku faafa, ama inaad adiga ka qaado isaga/iyaga xanuunada galmada ku faafa, haddii aad isticmaasho galmada afka ee:

  • Ka samaynin galmada afka marka aad nabur, booq, barar ama wax kamid ah ku leedahay afka.
  • Iska ilaali in dareeraha kasoo baxa gudaha ferjiga uu afka kuu galo, dhiib ama biyaha taranka naagtu.
  • Si aad naftaada si wanaagsan ugu ilaaliso, waxaad isticmaali kartaa koondhom guska la geliyo ama inta aad dilaaciso koondhomka waxaad dul saaraysaa xubnaha taranka ee haweeneyda (bannaanka ferjiga ama dabada). 

Galmada dabada

Galmada dabadu (galmada dabadu) waa galmo uu guska oo adag la geliyo dabo. Raga iyo haweenku caadiyan waxay sidoo kale dabada gelidaan farhooda ama way salaaxaan.

Waxaad qaadsiin kartaa xanuunada galmada ku faafa marka aad samayso galmada dabada:

  • Isticmaal koondhom. Isticmaal koondhom haddii aad doonayso inaad samayso galmada gudaha ferjiga ama dabada.
  • Isticmaal biyo saliid leh oo badan. Isticmaal biyo-salaysan ama silikoon biyo salideed. Ha isticmaalin saliid ama kiriim, maadaama oo koondhomku uu dilaaci karo. 

Siigaysiga

Siigaysigu waxa uu ka dhigan yahay inaad naftaada u raaxayso adiga oo kicinaya jidhkaaga, gaar ahaan gudaha ferjiga, kintirkaaga, guska, naasahaaga ama dabadaada, adiga oo gacantaada ama agabka galmada adeegsanaya. Lamaanaha ayaa sidoo kale isku siigayn kara.

Kala hadal lamaanahaaga

Waxaad galmada u samayn kartaa qaabab kala duwan. Qof kastaa isku qaab uma doono galmada. Kala sheekeyso lamaanahaaga oo ku heshiiya.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo