Biyaha taranka waxaa loosoo saaraa sidan:

  • Xiniinyaha ayaa soo saaraa malaayiin unug oo biyaha taranka ninka ah. 
  • Unuyada biyaha taranka inta la isku uruuriyo ayaa lagu kaydiyaa qanjidh xiniin (epididymides),.
  • Ninka marka ay biyaha taranku ka yimaadaa, unugyada biyaha taranku waxaa laga soo riixaa oo ay soo dhax maraan tuunbada biyaha taranka.
  • Unugyada biyaha taranka waxaa la geeyaa dheecaanka prostate iyo xididada biyaha taranka. Dheecaan ayaa lagu daraa. Dheecaanka iyo unuyada biyaha taranka ayaa marka la isku daro noqda biyaha taranka. 
  • Biyaha taranku waxa ay kasoo baxaan guska iyaga oo soo maraya tuunbada kaadida.
Nin taagan. Waxaa diirada la saarayaa gus kacsan.
Guska oo gudaha laga eego: 1. xiniinyaha, 2. qanjidh xiniin (epididymides),, 3. tuunbada biyaha taranka, 4. xididada biyaha taranka, 5. borostaatada, 6. tuunbada kaadida

Waa maxay qaan gaadhka ninku?

Ninku waxa yeeshaa biyaha taranka marka uu gaadho qaan gaadh. Wiilashu waxay ku qaan gaadhaan da'da u dhaxaysa 12 ilaa 15 jir. Waxa uu markaa dhali karaa caruur. Xataa haddii uu galmada marka ugu horeysa samaynayo.

Ninku waxa uu leeyahay biyaha taranka inta uu nool yahay oo dhan. Waxa uu badanaa dhali karaa inta uu nool yahay oo dhan.

Uur baajiyaha: ka noqoshada iyo dhafaanka

Haweeneydu kaliya waxayuur qaadi kartaa haddii biyaha taranka ninku ay ku dhacaan magaankeeda kuwaas oo soo maray gudaha ferjiga maalinta uu beedkeedu diyaarka yahay

Kahor inta ayna biyuhu ka iman, ninka waxaa kasoo bixi kara waxoogaa dareere ah oo ay la socaan unugyada biyaha taranku. In laga saaro guska kahor inta aanay biyaha taranku ka iman ninku maaha badbaado qaab ah oo uur baajiye ah.

Raga la dhafaanay waxa ay soo saaraan biyo taran oo ayna la socon unugyada biyaha taranku. Waxa uu u samayn karaa galmada qaabkii caadiga ahaa.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo