Dhufaanku waa qaab ramsi ah oo uur baajiye ah.

Dhufaanku waxaa lagu sameeyaa qaliin taas oo marka danbe inuu qofku caruur dhalo ayna macquul ahayn. Unugyada biyaha taranku intaa wixii ka danbeeya ma gaadhayaan unugyada beedka.

Inta badan caafimaadka guud ma sameeyaan.

Raga iyo haweenka labada waa la dhufaani karaa.

Dhufaanka raga

Marka ninka la dhufaano kadib weli wuu biyo dhici karaa. Waxa uu soo saarayaa biyaha taran oo ayna la socon unugyadii taranku. Waxa uu u samayn karaa galmada qaabkii caadiga ahaa.

Dhakhtarku waxa uu xanibayaa tuunbada unugyada taranka.

Wixii intaa ka danbeeya unugyada taranku masoo marayaan tuunbada kuwaas oo keenaya xiniinyaha iyo xidadaa biyaha taranka, halkaas oo biyaha taranka ninku ku samaysmaan. 

3 bilood kadib, biyaha taranku wax unugyada taranka ninku la socon maayaan. Markaa wixii ka danbeeya ayaa joojin kartaaqaabka uur baajiyaha ee aad isticmaasho

Nin taagan. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee gudaha.
Dhufaanka raga, waxaa la xanibaa tuunbada biyaha taranka.

Dhufaanka haweenka

Dhufaanku wax saamayn ah kuma yeelanayo wareega, ugxaanta ama caadada.

Dhakhtarku waxa uu xanibayaa tuunbooyinka ugxaan-sidayaashu. 

Unugyada biyaha taranku ninku intaa wixii ka danbeeya ma gaadhayaan unugyada beedka.

Haweeneyda taagan. Waxa diirada la saaraa waa qaybta xubnaha taranka ee gudaha.
Dhufaanka haweenka, waxaa la xanibaa tuunbooyinka ugxaan-sidayaasha.

Dhufaanka: qaliinka

Qaliinka waxaa lagu sameeyaa iyada oo la adeegsanayao suuxinta deegaanka raga, iyo suuxdinta guud haweenka. Qaliinka waxa uu khatartiisu ku yar tahay raga marka loo eego haween. Qaliinka kadib, waxaad isla markaba qaban kartaa gurigaaga, haddii aan lagu wada suuxin.

Dhufaanku caadiyan ma saameeyo hamada galmada ama nolosha galmada. Rag iyo haweenka labaduba way biyo dhici karaan.

Dhufaanku waa qaab rasmi ah oo uur baajiye ah. In la daweeyo dhufaanku way adag tahay mar kasta laguma guulaysto.

Dhufaanku waa qaab aad la iskugu halayn karo.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Dhufaanku kama badbaadiyo xanuunada galmada ku faafa ama HIV. Kaliya koondhom uun baa kaa ilaalin kara.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo