Naasaha

Naasuhu waa laba shay ee qaybta hore jidhka haweeneyda kaga yaala.

Naasaha

Ibta iyo qaybta wareegsan waxay ku dul yaalaan dusha naaska:

  • Ibta (1): waa inta yar ee fiiqan ee badhtamaha kaga taala naaska
  • Inta wareegsan (2): waa qaybta madaw ee ku wareegsan ibta

Naasuhu waxay ka kooban yihiin baruur, qanjidho naas iyo marinnada caanaha:

  • Qanjidho naas (3): waa unugyo yaryar oo soo saara caanaha naaska
  • Tuunbada caanaha (4): waa tuunbo yar oo caanaha u qaada ibta.
Haweeneyda taagan. Waxaa diirada la saarayaa naasaha.
Qaybta naaska ee guduhu waa: 3. qanjidh naas, 4. maarinno.

Shaqada naaska

Naasuhu waxay leeyihiin laba shaqo:

  1. Kadib marka uu naasku soo saaro caanaha. Waxaad caanaha u adeegsan kartaa inaad ku naasnuujiso ilmahaaga.
  2. Ibtu aad ayay u nugushahay. Taabashada ama gacanta oo lagu xasho naaska ama ibti waxay keentaa raaxo galmo. Haddii uu dareenkaaga galmadu kaco, ibtu way adkaataa. Ibtu waxay sidoo kale u adkaan kartaa waxyaabo kale, tusaale ahaan, hadi aad dhaxmooto.

Noocyada naasaha

Naasaha haweeney kastaayi waa nooc. Naasuhu waxa ay noqon karaan kuwoa waawayn ama yaryar, wareegsan ama fiiq fiiqan.. Sida ay u eeg yihiin shaqada ay qabanayaan muhiim uma aha.

Naaso kala duwan: kuwa yaryar oo fiiq fiiqan
Naaso kala duwan: naaso waawayn
Naaso kala duwan: dhex dhexaad fiiq fiiqan (waxoogaa dhuuban) naaso ah
Naaso kala duwan: dhex dhexaad ah oo wareegsan

Naasaha inta uurka la leeyahay

Inta uurka la leeyahay jidhkaagu waxa uu u diyaarin doonaa naasahaaga naasnuujinta.

Naasuhu

  • way balaadhan doonaan,
  • waxayna noqon doonaan kuwa aad u nuqul oo mararka qaar qofka xanuuna,
  • waxaana macquul ahka in horeba loogu arko caano yaryar oo ka da'aya.

Naasaha umusha kadib

Kadib umusha naasahaagu waxay soo saari doonaa dareere loo yaqaan danbar. Waxa uu si gaar ah ugu qani yahay borootiinta waxayna ka caawisaa ilmaha inuu dheefshiidkiisu shaqeeyo. Marka aad ilmaha naaska usoo dhawayso, ilmuhu waxa uu jaqi doonaa ibta. Waxaanu maaxiyaa caanaha. Laba ilaa sadex maalmood kadib, naasuhu waxay soo saari doonaa caano wanaagsan oo ilmaha ku filnaada.

Haddii ilmuhu aanu jaqi karin, naasaha sidoo kale waa la lisi karaa iyada oo la adeegsanayo bam yar. Ilmuhu weli waxa uu quudan karaan caanaha naaska.

Haweenka qaar ayaan lahayn caano ku filan. Markaa ilmaha waxaa lasiiyaa caanaha caruurta.

Naasnuujinta kadib, qaabka naasku waxoogaa ayuu is badalaa. Wuu jilcaa oo mararka qaar wuu yaraadaa.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo