Fadhi ama jiif

Waan fadhiisan ama waad jiifsan kartaa si aad u naasnuujiso.

Naa-nuujin tusaale1: hooyada ayaa fadhida ilmuhuna wuxuu ku jiifaa gacanteeda.
Naas-nuujin tusaale2: hooyada ayaa fadhida ilmuhuna wuu ag jiifaa.
Naa-nuujin tusaale3: hooyada iyo ilmuhu wada jiifa.

Sida loo naas-nuujiyo

U naas-naaji ilmahaaga sidaa soo socota:

  • Ilmaha calooshisa saar taada.
  • Ilmaha sankiisa ku beeg ilaa ibtaada.
  • Ilmaha ayaa furaya afka oo nuugayaa naaska ibtiisa.
  • Ibta iyo qayb madaw ee balaadhan waxay afka u gashay ilmaha.
  • Dabnaha ilamaha ayaa dibada u rogan. Ilmuhu wuu jaqaa.

Calaamo in ilmahaagu gaajoonayo

Ilmaha-cusub waa in wax badan wax lasiiyaa. Wax sii ilmaha markuu dalbado. Waa caadi in uu yeesho 8-12 cunto ama wax ka badan dhawrka isbuuc ee u horeeya. Intaa kadib, way sii yaraanayaan tirada cuntadu si aayar aayar ah. 

Haddii uu ilmahaagu gajoonayo, waxaad ku arkaysaa mid ama wax ka badan calamadaha soo socda:

  • Gacmaha ayuu dhaqdhaqajiyaa;
  • Waxaa uu dhaqaajiyaa afka iyo carabka;
  • Waxaa uu jaqaa ama nugaa gacmihiisa;
  • Wuu cadhaysan yahay;
  • Wuu ooyayaa. 

Waxaa fudud in la fahmo calaamada ilmaha wakhti hore haddii ilmuhuu kuu dhaw yahay iyo inbadan oo jidhkiinu isku dhaw yahay. Caruurta qaar ma awoodaan in ay sheegtaan in ay rabaan in wax la siiyo, sidaa darteed waa in la toosiyaa sadex dii sacood ee kasta. 

Dabeecado wanaagsan markaa naas-nuujinta

Caanaha-naasku intabadan waa cuntada ugu fiican ee ilmaha. Waliba, waa in aad ka foojignaataa in qayb wax kasta oo aad cunto, cabto ama siyaabi kale aad u qaadataa ay u gudbin karto caanaha naaska. Waa inaad sidaa darteed:

  • Iska ilaali sigaarka ama isticmaalka waxyaabaha-tobaakada, ama ugu yaraan sii wakhti inta ugu dheer inuu ka dhamaato inta aanad naas-nuujinta kadib sigaar/isticmaalka tobaakada.  
  • Iska ilaali khamri ugu yaraan lixda isbuuc ee ugu horaysay, hadhawna yaree isticmaalka.
  • Iska ilaali daroogooyinka kale. 
  • La tasho farmasiile ama dhakhtarkaaga ama Tryggmammamedisin.no Inta aanad isticmaalin dawo
  • Hadaad qabto HIV, waa in aanad naas nujinin ilmahaaga.

 Haddii aanad naas nujin karin waa in aad isctimaasha caanaha caruurta. Waxaa jiraa qaar kale oo la isku dhax galo ilmhaaga

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo