Rabitaanka galmadu waxay ku saabsan tahay jinsiga qofku uu galmo ahaan iyo xidhiidh jacayl ahaan uu kaga helo. Waxaad ka heli kartaa qof jinsi kale ah (dadka caadiga ah), qof aad isku jinsi tihiin (khaniis) ama jinsi kasta (qof labada jinsiga wax ka daya).

Qofkan ma dooran karo rabitaankiisa galmada. Dadka kala duwan waxay yeelan karaan rabitaan galmo oo kala duwan. Waalidku kuma saamayn karaan koriinka ay ilmaha koriyeen haddii uu noqonayo qof caadi ah, khaniiis ama mid labada jinsi wax ka wada eegaya.

Xaalada Norway

Norway, waxaad xaq u leedahay inaad jeclaato cida aad doonayso, iyada oo aan loo eegeynin rabitaankaaga galmo. Tusaale ahaan, ragu waxay jeclaan karaan oo ay xidhiidh la yeelan karaanhaween iyo/ama rag; haweenku waxay jeclaan karaan oo ay xidhiidh la yeelan karaan rag iyo/ama haween.

Norway, qofna maaha in lagu ciqaabo ama lagu ganaaxo rabitaankiisa/keeda galmada. Sharcigu waxa uu mamnuucay in dadka loola dhaqmo si aan sinaan ahayn ama lagu takooro rabitaankooda jinsiga. Tani waxay ka dhigan tahay inayna ahayn dadku inay muquuniyaan ama ku takooraan qofka maadaama oo u yahay qof caadi ah, khaniis ama mid labada jinsiga wax ka daya.

Haddii aad u baahan tahay kaalmo ama aad qabto su'aal

Haddii aad laguula dhaqmo ama laguula dhaqo si aan cadaalad ahayn ama lagugug takootay rabitaankaaga jinsiga, waxaad la xidhiidhi kartaa U Hogaansanaanta Sinaanta iyo Takoor La'aanta. Waxaad sidoo kale la xidhiidhi kartaa adeegyada latalinta ama hay'ada lodka haddii aad qabto wax su'aalo ah ama walaac la xidhiidha rabitaanka jinsiga.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo