Xuquuqda ah inaad naftaada adigu u go'aamiso

Norway, dadku waxay xaq u leeyihiin inay naftooda u go'aamiyaan

  • cida ay doonayaan inay la yeeshaan xidhiidh lamaane ,
  • cida ay doonayaan inay la sameeyaan galmo,
  • haddii ay doonayaan inay guursadaan,
  • cida ay doonayaan inay guursadaan iyo
  • haddii ay doonayaan inay cid la noolaadaan iyaga oo aan is guursan.

Cidna lama khasbi karo

  • si ay u samaysato xidhiidh lamaane oo cid ayna doonaynin dhax mara,
  • inaad u galmooto qof haddii aanu isagu/iyadu ayna doonaynin,
  • inaad guursato qof haddii aanu isagu/iyadu ayna doonaynin.

Tani waxay khusaysaa qof kasta oo Norway jooga, iyada oo aan loo eegeynin

  • dalka uu ka yimid,
  • haddii aan nin tahay ama haweeney tahay,
  • diintaada,
  • midabka maqaarkaaga,
  • haddii ay haweeneydu doonayso inay nin raacdo ama haddii uu ninku doonayo inuu haweeney xidhiidh la yeesho (dadka caadiga ah),
  • haddii ay haweeneydu doonayso inay haweeney raacdo ama haddii uu ninku doonayo inuu nin xidhiidh la yeesho (khaniis).

Halkee ayaad ka heleysaa caawimo haddii xuquuqdaadii lagu xadgudbay?

Haddii, adiga oo aan doonaynin, uu qof doono

  • inaad wada socotaan/xidhiidh lamaane kula yeesho,
  • aad is guursataan,
  • aad isku galmootaan ama
  • haddii qof adiga kuu galmooday adiga oo aan doonaynin,

markaa waxaad

  1. u tagi kartaa bilayska oo aad qofkaas warbixintiisa u gudbin kartaa.
  2. Waxaad sidoo kale qaban kartaa xarunta la talinta.

Ilaalada caruurta yaryar iyo dhalinyarta

Waxaa mar kasta jira shuruuc gaar ah oo ilaalisa caruurta iyo dadka dhalinyarta ah.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo