Koondhomka haweenka
Koondhom haweenku waa qaab uurka baajiye ah. Koondhomka haweenku waa cinjir afka ka xidhan oo dhinac ka furan oo wareeg jilicsan labada dhinacba ku leh. Waxa uu uruuriyaa biyaha taranka ninka. Koondhomka haweenku waxa uu sidoo kale kaa ilaalinayaa HIV iyo Xanuunada kale ee galmada ku faafa (STI). Mar kasta oo aad galmo samaynayso, waa inaad isticmaashaa koondhomka haweenka oo cusub.