Koobku (diaphragm) waa qaab uurka loo baajiyo. Koobka aad ma looga isticmaalo Norway, laakiin waxaa laga iibsan karaa farmasiyada qaar boggooda internetka. 

Koobku waa daboole ka samaysan silikoon. Kani waxa uu fadhiisanayaa afka makaanka (statt cervix) waxaanu baajiyaa in biyaha taranka ninku u gudbaan beedka. Uur baajiyaha waxaa lala isticmaalaa jeesha. 

Koobka uur baajintu maaha mid lagu kalsoon yahay sida dhaceenka uur bajiyahay ama IUD sida ay uga difaacan uur aan la rabin. Sidaa darteed ayaan lagu talinin in aad ka warwar santahay mooye in aad uur qaato. 

Koobka uur baajinta ee lagu iibiyo Norway waa loo saameeyay in uu leekaado haweenka badankooda, umana baahnaa in dib loo habeeyo. Koobka lagu iibiyo meelaha waxa shaqaynayaan kaliya hadaad isticmaasho cabirkaaga. Dhakhtar ama umuliso ayaa sheegi kara cabirka aad u baahan tahay.

Waxaan ka dalban kartaa dhakhtarkaaga caawimo, kalkaaliso caafimaadka bulsheed ama umuliso. Waxaa jiraa qaar adeega la talinta waxaad la soo xidhiidhi kartaa. Waxay sidoo kale laga heleyaa talo sida aad u isticmaalayso uur baajiyaha koobka ah.

Sida loo isticmaalayo koobka uur baajinta.

Kahor inta aanad isticmaallin koobka marka ugu horeysa, waa inaad ku yara celcelisaa qaabka saxda ah ee loo gelinayo koobka dhawr jeer. Makaanka saxda ah ayaa daruuri ah si koobku uu sidii saxda ahaa ugu shaqeeyo.

  • Waxaad is gelin kartaa koobka ilaa laba saacadood kahor marka aad galmada samaynayso. Waxaad sidoo kale is gelin kartaa kahor inta aanad galmada samaynin inyar kahor.
  • Waxaa marisaa jeesha gaarka ah gudaha koobka. 
  • Isku laab koobka si qaybta dusha eegeysaa ay ugu beeganto makaanka. 
  • U gali aad koobka gudaha ferjiga haweenku, ku riix xaga lagaga galo ilma galeenka. 
  • Eeg in makaanku sax yahay. Koobku waa inuu qariyaa afka makaanka (statt cervix) oo uu fadhiistaa meel aanu ka dhaqdhaqaaqaynin.
  • Ka saar koobka, taas oo marka ugu horeysaa noqon karto, lix ilaa sideed, ugu yaraan, 24 saacadood marka aad galmo samayso. Jiid iyo banaanka usoo jiid.

Ku maydh koobka biyo diiran iyo saabuun oo si wanaagsan u radi. Markaa ha qalalo. 

Ku kaydi kartoonka munaasabka ah.

Waxaad marisa jeel gaar ah koobka dhexdiisa kaas oo dila biyahay taran unugyadooda ama hoos u dhiga.
Hal mar isku laab koobka.
Qabo dhinaca bidix ee koobka dhinaca uur galeenka.
U gali aad koobka gudaha ferjiga haweenka, xaga lagaga galo ilma galeenka. Afka ilmagaleenku waa u uu daboolan yahay.
Koobka ayaa la galiyay.
Koobku waxa uu ku jirayaa meshiisa markaad samaynayso galmo.
Waxaad ka saartaa koobka adoo hoos u jiidaya dibada.
Waxaad ku maydhaa biyo kuluul kadib qalaji.

Iska ilaalinta xanuunada galmada ku faafa iyo HIV

Koobka uur baajintu kaama ilaalinayo xanuunada galmada ku faafa ama HIV. Kaliya koondhon ayaa kaa ilaalin kara caabuqyadan.

Qaamuuska iyo turjumaada

Ma waxaad doon doonaysaa caawimo? Ka hel qof khibrad u leh cafimaad.

Caawimo