Xaalada gurmadka degdeg ah

Xaalad u baahan in talaabo degdeg ah la qaado. Tusaale ahaan: haddii ay haweeneydu galmo samaysay iyada oo aan isticmaalin uur baajiye oo ayna doonaynin inay uur qaado, waa inay qaadataa kiniinka uur baajiyaha gurmadka degdega ah sida ugu dhakhsaha badan leh. Ama haddii uu qofku sameeyay galmo aan lahayn badbaado oo uu u arko inuu qaaday HIV, markaa isaga ama iyadu waa inay martaa PEP (shaybaadhka marka uu qofku khatar u geley) daawaynta ah sida ugu dhakhsaha badan. 

Emergency situation

A situation in which urgent action is required. For example: if a woman has sexual intercourse without using contraception and does not want to get pregnant, she needs to take an emergency contraceptive pill as soon as possible. Or if a person has unprotected sex and thinks he or she may have caught HIV, then he or she needs to have PEP (post-exposure prophylaxis) treatment as soon as possible.