Ka ganacsiga jidhka
Waa in lacag lagu badasho galmo ama dheefo kale. Haweenka, raga iyo dadka badalay jinsigoodu dhamaan waxay noqon karaan dadka jidhkooda ka ganacsada. Badanaa dalalka Yurub, in jidhka laga ganacsadaa maaha mamnuuc sharciyan. Badankood, laakiin, waxaa jira shuruuc gaar ah oo maamusha masuuliyada iyo xuquuqda ka ganacsiga jidhka iyo shaqada ka ganacsiga jidhka. Sidoo kale, waxaa jira badanaa shuruuc gaar ah oo loogu talo galay inay ilaaliyaan caruurta iyo kurayga si ayna ugu dhici khatarta ka ganacsiga jidhka.