Dadka qaar waxay ku qaadaan xanuunada galmada ku faafa galmo oo kuwo kalena waxay ku qaadaan qaab kale oo loogu gudbiyo.
Ku faafida galmada
- Marka aad galmada la samaynayso gudaha ferjiga, dabada, ama afka cid qabta xanuunada galmada ku faafa, waa inaad isticmaashaa koondhom.
- Inaad alaabta galmada aad la wadaagto cid kale adiga oo aan isticmaalin kondhom. Tusaale ahaan: dildo, vibrator.
- Inay istaabtaan boogaha (herpes), naburo (waraabaw) ama burooyinka xubinta taranka ee qof kale maqaarkii.
Gudbinta siyaabo kale
- Hooyada qabta xanuunada galmada lagu qaado waxay u gudbin kartaa caabuqa ilmaha caloosha ku jira, inta ay uurka leedahay ama marka ay dhalayso ama marka ay naaska nuujinayso.
- Iyada oo la wadaago agabka caabuqa la socdo.
- Adiga oo la wadaaga cadaygaaga (jooniska B) cid, tuwaalka ama go'yaasha saariirta qof kale (injir iyo isnidaamis).
Lahadalka lamaanahaaga iyo dhakhtarka
Haddii aad sidoo kale qabto xanuunada galmad lagu kala qaado waxaad qaadsiin kartaa qof kale. Isku day inaad kala hadasho lamaanahaaga macluumaadkeeda oo ku dhiiri geli inuu isagu/iyadu u tagto dhakhtarka.
Kala hadal khubarada caafiimaadka wixii talo ah.