Uurku waxa la sidaa 9 bilood (40 todobaad / 280 maalmood).
1 ilaa 3 bilood
Beedka rimay waxa uu noqdaa unug murgisan. Wixii ka danbeeya 3 ilaa 6 todobaad, waxaa bilaabma inay badanaa xubnaha jidhka ee aas aasiga ah soo baxaan.
Wixii ka danbeeya 6 todobaad, waxaa bilaabma in wadnihiisu garaaco.
Maskaxda, laf dhabarta, nidaamka neefsiga, nidaamka dheefshiidka, xubnaha taranka iyo nidaamka kaadida ayaa bilaabma inay samaysmaan.
4 ilaa 6 bilood
Ilmuhu dhakhso ayaa u koraa oo maskaxdiisu dhakhso ayay u kortaa. Ilmuhu waxa uu bilaabaa inuu dhaqdhaqaaqo, tusaale ahaan: is laabo, laago, wax qabsado.
Ilmu waxa ayuu liqi karaa, jaqi karaa oo uu afka la raaci karaa.
Ilaa 5 bilood kadib, waxaad dareemi kartaa dhaqdhaqaaqa ilmaha.
Cidiyaha, maqaarka iyo timaha jidhka ayaa kasoo baxa.
Ilmuhu waxa uu bilaabayaa inuu wax maqlo.
7 ilaa 9 bilood
Ilmuhu waxa uu noqdaa miisaankiisu 3 jeer libilaab oo xajmigiisuna laba jeer ayaa noqdaan.
Waxaa lagu kaydiyaa iyada oo culus si ay u diiranaato, botooriinta ayaa murqaha ku samaysanta, kalshiyeemta ayaa lafaha ku korta, iyo macdanta kale ee muhiimka ah sida birta.
Maskaxdu si dhakhso ah ayay u kortaa.
Sanbabku waxay diyaar u noqdaan inay kaligood neefsadaan marka la gaadho dhamaadka uurka.
Ilmuhu wuu isasoo warejiyaa inyar kahor dhalmada waxaanu caadiyan jiifaa isaga oo madaxiisu soo fooraro wax yar kahor umusha.