Jabti
Jabtidu waa xanuun ku faafa galmada (STI) oo ku jira xiniinyaha (raga), gudaha ferjiga haweeneyda (haweenka), cunaha ama dabada (dhamaan jinsiyada). Qof kastaa ma yeesho calaamado. Calaamahada ugu caamsan waa dareere huruud ah oo kasoo baxa guska ama gudaha ferjiga, xanuun daran oo marka la kaajayo ah iyo cuncun, dareen olol iyo dareere kasoo baxa dabada. Isticmaal koondhom marka aad galmo samaynayso si aad caabuqa iskaga ilaaliso. Jabtida waxaa keena baakteeriya waxaana lagu dawayn karaa antibayootik.